Xildhibaan Jubbaland ah oo maanta Covid-19 ugu geeriyooday Kismaayo

0
253

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Rabi Naxariistisii Janadiisa Fardowso Haka Waraabiye waxaa manta magaalada Kismaayo sida lashegay ugu geeriyooday xanuunka Covid-19  xildhibaan Cabdi Xasan Xiish kaaso maal-mahaan gurigiisa ugu karantiilnaa Xanuunka safmarka ah ee Covid-19 oo saameyn xoogan kuhaya Bulshada Caalamka waxaana maanta lagu aasay Qabuuraha Baar caleenle ee kuyaal duleedka kismaayo geerida xildhibaanka waxaa ka tacsiyeyay Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Gudoonka Baarlamaanka Jubbaland,Xildhibaan Wasiiro iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Guddoomiyaha Baarlamaaka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo warbaahinta kula hadlay goobta aaska marxuumka ayaa xildhibaanka Rabbi uga baryay in uu hoyigiisa kayeelo kanatul fardowsa.

Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here