Xiddiga Michael Olise oo Iska diiday ku biirista Chelsea, heshiis cusub-na u saxiixay Kooxdiisa

0
41

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Chelsea ayaa u muuqata kuwo ku fashilmay isku daygoodii ahaa la wareegida xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Michael Olise.

Kooxda Crystal Palace ayaa xaqiijisay in ay heshis cusub ka saxiixatay xiddiga garabka ka ciyaara ee Michael Olise, sidaasina uu ku burburay damacii kooxda Chelsea ay ku dooneysay Xiddiga Michael Olise.

Chelsea ayaa si weyn loola xiriirinaayay xiddiga Michael Olise kaas oo ay doonayeen in ay ku xoojiyaan kooxdooda, Laakiin Michael Olise ayaa iska diiday kooxda Chelsea waxana uu go’aansaday in uu sii joogo kooxdiisa Haatan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here