Xiddiga kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay u ciyaarista xulkiisa qaranka Morocco

0
163

Kismaayo (Idaacadda Waamo)Xiddiga kooxda kubadda cagta Chelsea ee Hakim Ziyech ayaa  ku dhawaaqay inuu joojiyey u ciyaarista xulkiisa qaranka Morocco, isagoo kaliya jira da’da 28-sano.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech ayaa soo jeediyay inuu si wanaagsan uga tagay ciyaaraha caalamiga ah kaddib markii ay isku dhaceen Tababaraha Morocco ee Vahid Halilhodzic.

28-sano jirkaan ayaa u ciyaarin xulka lagu naynaaso The Atlas Lions tan iyo bishii June ee sanadkii hore, waxaana laga saaray xiddigaha xulkiisa ee sanadkan ka qayb galaya koobka qaramada Afrika.

“Kuma soo laaban doono xulka qaranka, kanina waa go’aankeyga ugu dambeeya,” ayuu yiri Ziyech.

“Waxaan diiradda saarayaa waxa aan la sameynayo Kooxdayda.” ayuu ku daray hadalkiisa ciyaaryahanka Kooxda Chelsea.

Tan iyo markii uu wajahay xulalka Ghana iyo Burkina Faso bishii June ee la soo dhaafay Ziyech wuxuu ku lug lahaa ereyo dagaal ah oo uu la galay Tababaraha reer Bosnia ee Halilhodzic oo ku saabsan helitaankiisa inuu guto waajibaadka qarankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here