Xiddiga Fabinho oo ku biiray Kooxda reer Sacuudi ee Al Ittihad

0
115

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xiddigii khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Fabinho ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda reer Sacuudi ee Al Ittihad isaga oo si rasmi ah u noqday xiddigii ugu dambeeyay ee ku biiray horyaalka Wadanka Sucuudiga.

Fabinho ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah kaas oo uu ku joogi doono kooxda Al Ittihad, Xiddiga ayaa ah kii 2-aad ee u ciyaaray Liverpool ee ka daga horyaalka sucuudiga kadib kabtankii kooxda Liverpool ee Jordan Henderson.

Liverpool ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay si Rasmi ah u shaaciso inuu xiddigu ku biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka Wadanka Sucuudiga ee Al Ittihad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here