0
280

Man United (Idaacadda Waamo)- Xiddiga cusub daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Man United ee Alex Telles ayaa u muuqda mid taam u noqon doona kulanka ay United la ciyaari doonto kooxda West Brom kadib markii laga waayay xanuunka Korona.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa kaliya hal kulan u ciyaaray Man United tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, Xiddiga ayaa seegay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay kadib markii laga helay xanuunka Korona dhamaadkii bishii October.

Si kasta ha ahaatee Tellles ayaa aaday waajibaadka xulka qarankiisa Beazil kulamada is reeb-reebka koobka adduunka kadib markii laga waayay xanuunka Korona waxana uu badal ku soo galay kulankii ay Brazil guusha ka gaadheen xulka Venezuela jimcihii.

Xiddiga daafaca Bidix ayaa la sheegay in mar kale laga helay xanuunka Korona laakiin waxa la ogaaday in uuna xanuunku ahayn mid mar kale ku soo laabtay laakiin kaliya yahay xanuunkii horay looga helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here