Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka oo sheegay inuu gacanta ku hayaan baarista dacwooyin la xiriirta cunooyin iyo cabitaano thaariikhdoodu dhacsan yahay, badeecooyinkaasi ayaa sifo sharciga baalmarsan looga badalay taariikhda.
Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegtay iney isugu jiraan qeybo badan waxaana ku socoto baaris ku aadan sax ahaanshaha badeecada hadii ay soo cadaatana la horgeyn doono maxkamad laguna muteysan doono ciqaab adag.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.