Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Si loo dar dar galiyo howlaha ay bulshada u hayaan bahda caddaalda iyo hay’adaha amniga gaar ahaan laanta booliska Jubbaland ayaa waxaa maanta booqasho wada jir ah ku tagay xarumaha Boosliiska xaafadaha Degmada Kismaayo xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland iyo Taliyaha saldhiga Booliiska degmada Kismaayo waxaana ujeedka kormeerkaan uu ahaa u kuur galida howlaha laxirii kisaska ay qabtaan xarumaha booliska degmada.
Warsame Axmed geelle taliyaha saldhiga Degmada Kismaayo ayaa xeer ilaaliyaha la wadaagay kiisaska ay hayaan iyo kuwa u gudbay maxkamahada degmada Kismaayo.
Idle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.