Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xeebta qoryooleey ee Xaafadda faanoole gaar ahaan waaxda mariino ayaa waxaa bilahaan buux dhaafiyay biro iyo qashin aad u badan oo xeebta lagu soo daadiyay,kuwaasoo haleeyay bilicda ay xeebtaan caanka ku tahay maadama ay tahay xeeb ay ka dhex baxdo dhir cagaara.
Dadka ku nool kaamka Qoryeelay oo ag degan xeebta iyo dhalinyarada ururka Dalxiiska Jubbaland ayaan waxey ka sameyeen Ol’ole ballaaran oo qashinka xeebta looga qaadayo.
Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.