Xavi oo canaantay xiddigaha Barcelona kaddib markii laga reebay Champions League

0
317

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Barcelona Xavi ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay guuldaradii 0-3 ahayd ay kala kulmeen Bayern Munich, kulankii ugu dambeeyay wareega group-yada Champions League .

Bayern Munich ayaa ka ciribtirtay Barcelona tartanka Champions League una jartay tikitkeeda tartanka Europa League, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada lixaad wareega group-yada ee tartanka Champions League.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia tababare Xavi ayaa kaddib dhammaadka qeybtii hore ee ciyaarta oo ay Bayern Munich ku hoggaamineysay 0-2, wuxuu canaantay xiddigaha kooxda.

Warbixintu waxa ay sheegtay in Xavi uu cod dheer ku yiri qeybtii nasashada inta lagu guda jiray khudbadii uu u jeediniyay ciyaartoyda:

“Qaarkiin ma fahansana waxa ay ka dhigan tahay u ciyaarista Barcelona.”

Wargeyska ka soo baxa gobolka Catalonia ayaa tilmaamay in Xavi uu diray fariin gaaban oo adag kaddib markii uu kulanka dhamaaday, waxaana warbixinta lagu sheegay in xanaaqa iyo murugada ay aad u saameysay qof walba, mana jirin xiddig hadlay, sida warbixinta lagu xusay.

Si kastaba ha noqotee, Barcelona ayaa ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee Group-keeda, taasoo ka dhigan in kooxda ay u dhaqaaqi doonto ka ciyaarista tartanka Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here