Xavi Hernandez Oo Magacaabay Tababare Lama Filaan Ah Oo Uu Ku Daydo

0
196

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa dhigiisa Real Sociedad ee Imanol Alguacil oo ay caawa siddeed dhammaadka Copa Del Rey iskaga hor imanayaan ku sifeeyay mid kamida macalimiinta tusaalayaasha u ah.

Labada kooxood ayaa lagu sifayn karaa kuwa qaab ciyaareedka ugu wanaagsan ku jira toddobaadyadii ugu dambeeyay horyaalka La Liga, Sociedad ayaa booska saddexaad ku jirta kaddib siddeed guulood oo xidhiidh ah tartamada oo dhan.

Xavi ayaa sheegay in kulankani noqon doono mid wanaagsan maadaama labada kooxoodba imanayaan iyagoo xaalado wanaagsan ku jira.

Xavi ayaa intaas kaddib amaanay Alguacil isagoo sheegay inuu yahay tababare is muujiyay oo horeba koob ugula soo guuleystay Sociedad isla markaana macalinkaasi kamid yahay tusaalayaashiisa.

“Wuxuu noqon doonaa kulan cajiib ah, labada kooxoodba waxay imanayaan iyagoo ku jira wakhti wanaagsan oo dhinaca qaab ciyaareedka ah, Real Sociedad waa koox cajiib ah oo uu si wanaagsan u diyaariyay Imanol Alguacil” ayuu yidhi Hernandez.

“Nidaamka Imanol waa mid cajiib ah, isagu waa tababare la caddeeyay oo horeba koob ugula guuleystay Sociedad, aniga ahaan wuxuu tusaale ka yahay sida waxyaabaha qaar loo sameeyo. Wax badan ayaan ka jecelahay La Real, iyagu waa koox cajiib ah in badana waxa sababteeda leh Imanol”

Imanol ayaa saddex sano oo uu joogay Sociedad kusoo dhammaystay kaalmaha lixaad, shanaad iyo lixaad halka ay haatan joogaan saddexaad isla markaana ku jiraan wali Copa Del Rey iyo Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here