XASAASI: Wakhtiga Man Unitd Shaqada Ka Caydhinayso Ruben Amorim Oo La Ogaaday

0
11

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Ruben Amorim ayaa wajahaya khatar weyn oo shaqo ka ceyrin ah haddii Manchester United laga badiyo kulankooda manta la ciyaarayaan kooxda dhawaan soo dallacday ee Sunderland.

Telegraph Sport ayaa fahamsan in Amorim uu ku jiro cadaadis culus kahor kulankan muhiimka ah oo ka dhacaya Old Trafford, iyadoo laga rabo natiijo guul ah si uu u badbaadiyo kursigiisa.

Guuldarro kale – gaar ahaan kahor fasaxa caalamiga ah iyo safarka xiga ee ay United ku tagi doonto Anfield si ay ula ciyaarto Liverpool, oo ah hoggaamiyeyaasha Premier League – waxay si weyn u imtixaami kartaa dulqaadka milkiilayaasha kooxda, Sir Jim Ratcliffe iyo qoyska Glazer.

Qeylo-dhaanta ayaa sii xoogeysatay kadib bandhiggii niyad-jabka lahaa ee United ay lasoo bandhigtay kulankii ay guuldarada kala kulantay kooxda Brentford todobaadkii hore taasoo ahayd guuldaradoodii saddexaad ee lixdii kulan ee horyaalka ee xilli ciyaareedkan.

Su’aalo badan ayaa hadda ka taagan in Ruben Amorim uu yahay ninkii ku habboonaa shaqada tababarenimo ee Manchester United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here