Xaruntii Isbitaalka Deevaa ee degmada Hodan oo laga dhigi doono xarun gurmad deg deg ah

0
346

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Amar kasoo baxay Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xaruntii hore ee Isbitaalka Deevaa loogu aqoonsaday in ay noqoto qeyb kamid xarumaha gurmad deg dega ah ee musiibooyinka.

Xaruntani oo ay ku howlgali jirtay Isbitaalka Deevaa ayaa horey u aheyd dugsigii sare ee Wasaaradda waxbarashada,waxaana si rasmi ah u wada wareejiyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada waxbarashada Feysal Cumar Guuleed ayaa ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa oo ay xaruntani soo Martay.

Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Dr. Cabdullaahi Xaashi ayaa ka hadlay ahmiyada goobtani.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu warbaahinta u sharxay waxay xaruntani noqon doonto iyo adeegyadii ay horey bixin jirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here