Xarunta labaad Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha XFS oo Xariga laga jaray

0
323

Muqdisho-(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar  Maxamuud Maxamed Filish ayaa waxa uu maanta xariga ka jaray xaruntii labaad ee ay yeelanayso hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo laga sameeyay degmada Cabdal Casiis ee gobolka Banaadir.

Xarig jarka xaruntan cusub ee uu xariga ka jaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo katirsan gobolka Banadir iyo saraakiil kala duwan.

Xarunta labaad ee laga hirgeliyay gobolka Banaadir ayaa waxaa loogu talo galay in lagu xaliyo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool 8-dda degmo ee ay ka kooban tahay gobolka Banaadir, ee la xiriiraha dhanka socaalka iyo jinsiyadaha.

Cumar Filish oo ka hadlay munaasabadda xarg jarka ayaa waxa uu goobta uga mahadceliyay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Xukuumadda Soomaaliya, dadaallada dheeraadka ah ee ay ku bixinayso sidii ay u maareyn lahayd baahiyaha Shacabka Soomaaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here