Xarunta dhexe ee Xukuumadda oo dib loo dhisayo

0
437

Muqdisho-(Idaacadda Waamo)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane; Xasan Cali Khayre ayaa Maanta kormeer ku tagay dhismaha Guriga xukuumadda (Ex-xaruntii xisbiga) oo lagu wado dib u dhis ballaaran.

Mudane; Khayre ayaa howl-wadeennada ka shaqeynaya dib u dhiska ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan dhismaha.

Waxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhammeeyaan, si loogu guuleysto in ay xukuumaddu ku shaqo billaawdo.

Guriga xukuumadda ayaa noqoqeyna Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarun dhexe oo ay xukuumaddu ku shaqeyso.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliso wasiirka Dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, ayaa sidoo kale kormeeray sida uu u socdo dhismaha Garoonka ciyaaraha Muqdisho oo qeyb ka ah xarumaha muhiimka u ah horumarinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo is-dhex galka Bulshada.

Wasiirka dhalinyarada iyo Cayaaraha ayaana ka warbixisay kormeerka Ra’isul
wasaaraha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here