Kismaayo(Idaacada Waamo)Deeqdaan Oo isugu jiratay dhar iyo Agabyada kale oo waxbarasho ayaa katimid Dad qurba Joog ah Oo Udhashay Degmada Balad-Xaawo Kuwaas oo Gacanta ku hayay Madarasadda Abuu Bakar Al Sadiiq ee Degamada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa soo gaadhsiiyay Deeqdan.
Munaasabad kooban oo madarasada dhexdeeda lagu Qabtay oo ay kasoo qaayb galeen Xubno Katirsan Qurba joogta ay deeqdu katimid iyo Culumo ow diinka ayaa dhar iyo Agab Kale loogu Qaaybiyay Caruurta Agoonta ah ee Madarasadda waxkabarta.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa Warbixintan inooga diyaarisay.
R/W,Kismaayo