Wasaaradd kalluumeysiga iyo khayraadka badda Jubbaland ayaa wado qorshayaal lagu horumarinayo kalluumaysatda deegaanka waxaana uu maanata xariga ka jaray Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud labo xarumood oo loogu tala galay in lagu kaydiyo kalluunka iyo qayb barafka dhaliso taaso wax badan ka caawin doonta iskaashatada kalluunka ee Degmada Kismaayo gaar ahaan kuwa bara kacayaasha ah ee loo abuuray xirfada kalluumeysiga.
Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.