Xarun lagu baaro Carona-virus oo laga hirgaliyay magaalada Baladweyne

0
294

Baladweyne(Idaacadda Waamo)-Xaruntii ugu horeysay ee lagu baaro cudurka Covid-19 ayaa laga hirgeliyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, maadama magaalada laga helay dadka qaba cudurka Corono Virus.

Dr. Cabduqaadir Maxamuud Ibraahim Goodir oo ah baaraha Cudurkan ayaa sheegay in xaruntan ay tahay tii ugu horeysay oo laga hirgeliya guud ahaan gobolka Hiiraan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Bulshada fursad u heli doonaan in laga baaro cudurkan oo mar kale dunida ku soo laba kacleeyay.

Sidoo kale, Dhalinyaro isxilqaamay ayaa u istaagay sidii bulshada looga wacyigelin lahaa khatarta cudurka Covid-19 iyo sida ugu haboon ay isaga ilaalin karaan.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona siisa Bulshada Soomaaliyeed, iyadoo soo gudbisa xaaladaha cusub COVID-19 ee 24-kii saac ee la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here