Xaflad lagu xusayay kowda luulyo oo magaalada Kismaayo lagu qabtay

0
273

Kismaayo (Idaacadda Waamo)Munaasabaddaan oo lagu xusayay 61 sana guuradii ka soo wareegatay markii ay gobolada koonfureed ee Soomaliya Xornimada ka qaateen gumeeystihii Talyaaniga ay la midooben gobolaha waqooyi ee hadda loo yaqaano Soomaliland ayaa lagu qabtay Magaalada Kismaayo.

Xafladdan oo ka dhacday gudaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa ka soo qayb-galay Mas’uuliyiin  uu ugu horeeyo Madaxwayne Ku xigeenka 2-aad ee Dowlad goboledka Jubbaland, Wasiiro,Xildhibaanno Ururada Bulshada rayidka iyo qaybaha kale ee bulshada,waxaana intii ay munaasabaddu socotay lagu soo bandhigay suugaan lagu cabirayay halgankii dheeraa ee loo soo maray Xornimada Soomaaliya.

Mas’uuliyiintii Madasha ka jeediyay qudbadaha kala duwan ayaa dhamaantood ka hadlay Waxaa ay 1-da luuliyo uga dhigantahay umada soomaaliyeed iyo qiimaha ay leedahay ayagoona sidoo kale ka hadlay marxaladihii loo Soomaray in soomaaliya ay ka xoroowdo gumaysigii saarnaa waxaana hadalaloodi ka mid ahaa sidatan.

Dhanka kale Madaxwayne Ku xigeenka 2aad ee dowlad goboledka Jubbaland Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere oo qudbad ka Jeediyay soo xiritaan xaflada lagu xusayay koowda Luuliya ayaa umada soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo wadajir .
 1960 kii 1-da Luuliyo ayaay gobolada koonfurta soomaliya xornimada ka qaateen Gumaaystihii Talyaaniga waxaayna la midoobeen gobolada waqooyaga soomaliya oo iyaguna 26 kii Juun xornimada ka qaatay gumaystihii Ingiriista

Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here