Xaashi oo la kulmay Guddiga Sharciga Doorashooyinka ee Aqalka Sare.

0
416

Muqdisho(Idaacada Waamo)Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddiga cusub ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Aqalka Sare.

Xilli Golaha Aqalka Sare uu horyaalo Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayuu Guddoonka Golaha uu Sabtidii guddi u magacaabay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, ka dib markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay 28-kii bishii December ay ansixiyeen Sharciga Doorashooyinka.

Guddigan ayaa Senator Maxamed Amiin Sheekh Cismaan u doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Guddiga, iyadoo Gudoomiye Kuxigeen loo magacaabay Senator Xasan Faarax Xujaale, halka Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax loo magacaabay inay noqoto Xoghayaha Guddiga.

Guddigan ayaa waxay shaqadoodu tahay inay ka soo talo bixiyan Sharciga Doorashooyinka Qaranka, ka hor inta aanan la horkeenin Senatorada Golaha Aqalka Sare, oo lagu wado inay codka kalsoonida u qaadaan.

Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa marka ay ansixiyan Senatorada Aqalka Sare waxaa loo gudbin doonnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmajo si uu u saxiixo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here