Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xarun wax lagu bari doono 200 oo arday oo agoon ah kuwaas oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa laga dhagax dhigay xaafada Towfiiq ee waqooyiga Magaalada Kismaayo.
Goobtaan oo laga dhisayo xarun waxbarasho iyo Masjid ayaa waxaa dhagax dhigay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabi Maxamed Cabiraxmaan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan laba gole ee dowlad goboledka Jubbaland.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.