Xaafadda Midnimo ee magaalada Kismaayo oo laga dhagax dhigay waddo cusub

0
437

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha maamulka Degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Tima Jilic ayaa maanta xaafadda Midnimo ee magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay waddo cusub oo loogu talagalay in ay isticmaalaan gaadiidleyda isaga kala gooshta gudaha xaafadaha magaalada inteeda kale.

Waddadaan oo dhererkeedu yahay 3-KM ayaa hagaajin iyo simis kadib waxaa lagu shubi doona jay adag, waxaana la rajaynayaa in ay noqoto jid cadde raaga oo muddo la manaafacaadsado.

Dhismaha iyo hagaajinta waddada ayaa waxaa ku howlan maamulka degmada Kismaayo, sida uu inoo sharaxayo Guddoomiyaha Maamulka Degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf, Guddoomiyaha ayaa dadka xaafadda kula dardaarmay in ay ka qayb qaataan dhismaha waddada oo muhiimad gaar ah u leh dadka ku nool xaafadda Midnimo.

Xaafaddaan oo ay ku nool yihiin badi dadkii kasoo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa waddooyinka soo gala waxaa dhibaato ku haya ciid bacaad ah oo sababta in uu adkaato marista waddooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here