Wiil Dhalinyaro oo lagu afduubtay Magaalada Kismaayo

0
41

Kismaayo(Idaacadda Waamo)Abdirahman Nur Mohamud oo ahaa madaxa barnaamijyada ee hay’adda Disability aid foundation, ayaa lagu warramayaa in laga afduubtay magaalada Kismaayo xili uu ka soo baxay xafiiskiisa shaqo uuna ku sii jeeday gurigiisa.

Eheladiisa oo aanu la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay in wiilkooda ay muddaba ku socdeen farriimo hanjabaad ah kuwaasi, oo ay fahmi waayeen cidda ka dambaysa.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambaysa afduubka ninkan, haseyeeshee waxa xusid mudan in sanadkii 2024 ay hay’adiisu mashaariic ka fulisay deegaanno ay Jubbaland kala wareegtay kooxaha argagixisada, oo iyagu gabi ahaanba aragti khaldan ka haysta hay’adaha.

Inkastoo deegaanada Jubbaland ay ka dhacaan afduubyada loo gaysto madaxda samafalka ee maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba, haddana Afduubka Abdirahman Nur ayaa noqonaya kii koowaad ee dhaca sanadkan aynu ku jirno ee 2025.

Ugu dambayn hay’adda uu ninkani ka tirsanaa ee Disability Aid Foundation ayaa ah hay’ad diiradda saarta dadka naafada ah, taasoo ujeedadeedu tahay in ay awood-siiso dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here