WFP oo Sheegtay in cuntada la siiyo ardayda ay kordhisay tirada aadeysa goobaha Waxbarashada

0
315

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Iyada oo maanta caalamku xusayo maalinka Cuntada Aduunka si loogu baraarugo baahida ayaa hey’adda WFP waxay ay sheegtay in cunada ay siiso ardayda qaar ka mid ah iskuulada Soomaaliya ay sare u qaaday in carruur badan iskuulada loo diro.

WFP waxay tilmaantay in cuntada nafaqeysan ee diyaarsan ee la siiyo ardayda ay kaalin weyn sidoo kale ka qaadatay heerka waxbarasho ee carruurta.

Mashruucan oo kaalinta ugu weyn uu ka geysto dalka Shiinaha ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaraa gabdhaha taas oo dhiiri galineysa horumarinta waxbarashada gabdhaha.

Ardayda qaar ayaa la siiyaa raashiin ay guriga u qaataan iyo agab kale oo waxbarashada ka saacid a siiba gabdha.

Hey’adda WFP waxay sheegtay sanadkii 2019 in carruurta ay ka caawisay iskuuladda guud ahaan Soomaaliya ilaa 200,000 arday, kuwaas oo hablo u badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here