West Ham Oo Ka Jawaabtay Dalabkii 2-aad Ee Ay Arsenal Ka Gudbisay Saxiixa Declan Rice

0
50

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda West Ham ayaa Arsenal ka diiday dalabkii 2-aad ee ay Gunners ka gudbisay saxiixa xiddiga Declan Rice.

Dalabka Arsenal ayaa ah 90 milyan oo euro oo u dhigma 75 milyan oo lacag toos ah iyo 15 milyan oo Gunooyin ah.

Laakiin kooxda West Ham ayaa isla markiiba diiday dalabkaas maadama ay aaminsantahay in uuna ahayn mid ay ku qanceen.

Kooxda West Ham ayaa doonaysa in ay hesho lacag dhan 100 milyan oo toos ah oo aanay ku jirin wax gunooyin ah.

Arsenal ayaa Rice ka dhigtay bartilmaameedkooda 1-aad waxana horay looga diiday dalab lacageed oo dhan 80 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here