Weeraryahanka Reer England Ee Ivan Toney Oo Ciyaaraha Laga Mamnuucayo

0
163

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka xulka qaranka England iyo kooxda Brentford ee Ivan Toney ayaa ciyaaraha laga mamnuucayaa muddo dheer, kaddib markii uu qirtay inuu ku kacay dembi culus oo ay ka  dhalanayso ciqaab loogu diidi doono inuu garoomada sinaba uga soo muuqdo.

26 jirkan ayaa qirtay in uu jabiyey 262 jeer sharciga xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA oo uu ku lug yeeshay khamaar ciyaareed, taas oo bilowgeedii hore la ogaaday bilihii November iyo December.

Xilligii la xulayay ciyaartoyda xulka qaranka England ee Koobkii Adduunka Qatar ee horraantii bishii November ayaa uu soo baxay warkani, hase yeeshee xidhiidhka FA ayaa xilligaas dib u dhigay baadhitaanka si uu uga qayb-galo Koobka Adduunka, hase yeeshee tababare Gareth Southgate ayaa go’aansaday in uu ka reebo xulkiisa.

Guddia anshaxa ee xidhiidhka  kubadda cagta Ingiriiska ayaa gacanta ku haysa kiisan waxaanay toddobaadyada soo socda shaacin doonaan go’aanka ganaaxa ee Toney oo loo badinayo in laga mamnuuci doono inuu garoomada yimaaddo illaa laga gaadhayo bisha July.

Brentford oo uu weerarhyahankani u dhaliyey 26 gool oo horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan socda iyo midkii ka horreeyey, ayaa ay arrintani dhibaato weyn ku noqon doontaa maadaama uu yahay weeraryahankooda koowaad ee ay ku tiirsan yihiin.

Waqtiga uu Toney dembigan khamaarka ah galay ayaa la sheegay inay ahayd intii u dhaxaysay 2017kii illaa 2021kii, waana xilliyadii ay Newcastle amaahda ugu dirtay Wigan iyo Scunthorpe ka hor intii aanu tegain Peterborough oo uu usii dhaafay Brentford oo uu si rasmi ah ugu biiray sannadkii 2020.

Difaaca reer England ee Kieran Trippier ayaa hore uu xidhiidhka kubadda cagta Ingiriisku ugu helay inuu khamaar ku galay natiijada ciyaar dhaxmartay Tottenham iyo Atletico Madrid sannadkii 2019, waxaana lagu xukumay £70,000 Gini iyo toban usbuuc oo laga mamnuucay inuu yimaaddo garoomada.

Sannadkii 2016, ayaa waxa dembigan oo kale lagu helay xiddigii England ee Joey Barton oo qirtay in uu 1,260 jeer khamaar sameeyey, waxaana ciyaaraha laga mamnuucay 18 bilood, taas oo keentay inuu ka fadhiisto ciyaaraha.

Sidoo kale, weeraryahankii hore ee England ee Daniel Sturridge ayaa waxa isagana laga mamnuucay ciyaaraha muddo afar bilood ah bishii January ee 2018 markii lagu helay inuu ku kacay falkan khamarka ah oo kale. Sidoo kale, waxa lagu xukumay £150,000 Gini oo ganaax ah iyadoo ay kooxdiisii reer Turkey ee Trabzonspor ay burburisay heshiiskiisii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here