Wasiirka xanaanada xoolaha dowladda FS oo shir caalami ah uga qaybagalay Talyaaniga

0
28

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirt aiyo Daaqa dowladda FS Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka qeybgalay shirka 27-aad ee guddiga Keymaha iyo asbuuca Keymaha aduunka oo lagu qabtay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Wasiir Xasan Xuseen Maxamed oo ka mid ahaa masuuliyiinta shirka lagu casuumay sanadkan ayaa khudbad uu jeediyay, waxaa uu kaga hadlay xaaladda keymaha Soomaaliya iyo sidii wax looga qaba laha caqabadaha heysta.

Shirka 27-aad ee guddiga keymaha oo lagu qabtay xarunta Hey’adda FAO, waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirada Dhirta iyo Keymaha u qaabilsan qaar ka mid ah wadamada aduunka, iyo ururo calami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here