Wasiirka Waxbarashada Talyaaniga oo iscasilay

0
340

Kismaayo(Idaacada Waamo)Wasiirka Waxbarashada Talyaaniga Lorenzo Fioramonti ayaa u sheegay Reuters in uu iscasilay kaddib markii uu dowladda ka waayey balaayiin Yuuro oo lagu horumarin lahaa Iskuullada iyo Jaamacadaha dalkaas.

Iscasilaaddan ayaa dhabar jab ku ah Xukuumadda, maadama Xisbiga xukuma ay hadda isku khilaafsanyihiin dib u habeynta Yuuro Zone iyo arrimaha Muhaajiriinta.

Tani waxa ay hoosta ka xarriiqeysaa sidoo kale dhibatooyinka heysta dhaqdhaqaaqa loo yaqaano 5-Star, iyadoo xisbiga uu ku jiro Fioramonti, uu isku dayayo in dib loo habeeyo xisbiga maadaama ay taagan tahay xaalad qanacsanaan la’aan ah oo heysata hoggaanka xisbiga.

Fioramonti ayaa Reuters u sheegay in warqaddiisa iscasilaadda uu gudbiyay Ra’iisal wasaare Giuseppe Conte, 23-kii December.

Fioramonti oo horay u ahaa bare sare oo dhanka dhaqaalaha ah oo wax ka dhiga Jaamacadda Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa kamid ahaa Wasiirradii loogu jeclaa Talyaaniga muddadii uu joogay xafiiska.

R/W,Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here