Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland oo kulan la qaatay wafti ka socday Hay’adda GIZ

0
73

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland  Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda GIZ’ Wasiirka iyo Wafdiga ka socday Hay’adda GIZ ayaa ka wada hadlay dardargelinta mashaariic dhowr ah oo ay Hay’addan ka fulin doonto deegaanada Jubbaland iyo xoojinta kuwo horay uga socday Jubbaland.

Waxyaabaha intii kulankan socday la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa xoojinta mashaariicda muhiimka ah ee dhowaan laga bilaabi doono Jubbaland, Adkaynta mashaariicda uu ka mid yahay mashruuca Xalka Waara oo hadda ka socda deegaanada Jubbaland iyo xal u helidda arrimaha isbadelka cimilada oo si weyn saameyn ugu yeeshay Soomaaliya.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here