wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareeynta musiobooyinka Jubbaland oo daahfuray sanduuqa lacag aruurinta gurmadka abaaraha.

0
136

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Gargaarka Maaraynta iyo Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa bilowday barnaamij loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ka soo barakacay deegaanada ay abaartu ka jirto ee Jubbaland .

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyin Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa daahfuray sanduuqa lacag aruurinta oo ay ka qayb qaadanayaan ardayda wax ka barta iskuulaadka kala duwan ee degmada Kismaayo,waxaana lacagta la aruurinayo ay tahay mid la doonayo in lagu samata bixiyo dadka ay abaartu saamaysay gaar ahaan carruurta yar yar ee aan waxbarashada haysan.

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here