Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta Jubbaland oo kulan la qaatay Shirkadaha Isgaarsiinta

0
58

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaarada Isgaarsiinta,Boostada iyo Tiknoolajiyada Jubbaland Dr Mascuud C/laahi ahmed oo uu wehlinaayo Agaasimaha Guud Wasiirka Wasaarada Isgaarsiinta,Boostada iyo Tiknoolajiyada Jubbaland iyo masuuliyiin kale ayaa kulan la qaatay maamulayaasha Shirkadaha adeegga Isgaarsiinta ee ka howlgala Magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa ku saabsanaa isbarasho iyo sidoo kale xoojinta xiriirka wada shaqeynta shirkadaha bixiya adeega isgaarsiinta iyo Wasaaradda sidii ay qeyyb uga noqon lahaayeen Gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameynta taban kasoo gaartay fatahaada Wabiga iyo daadadka Roobabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here