Kismaayo-(Idaacadda Waamo- Dadka Soomaaliyeed intooda badan waa dad Beeraleey iyo Xoolo dhaqato ah muhiimad gaar ah ayayna u leedahay Maalinta Cunada aduunka oo sanadawalab 16 octabar u dabaal dagaan.
Dadkii beeraleyda ah ee kunool dalka Soomaliya ayaa badan kood ah kuwa ku barakacay dalka gudahiisa ama u qaxay dalka dibadiisa.
Beeraleyda kunool deganada Dowlad gobleedka Jubbland ayaa ah kuwa qaarkood ay wax ka soo saraan beeraha iyagoo ay dhibaato badan sanadkan kala kulameen Ayax oo baabiyay qaar ka mid dalagyada beerahood.
Wasiirka wasaarada gargaarka iyo maareenta masiiboyinka dowlad gobleedka Jubbland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed oo aan ku boqnay xafiiskiisa ayaa waxuu warbahinta Waamo ugu warbixiyay xaladaha cuni yar ee ka jira dowlad gobleedka Jubbland .
Abdinoor Samriye ,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.