Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Jubbaland oo kormeeray Dekadda Kismaayo

0
90

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Jubbaland Cabdiraafic Maxamad Cali oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaarada ayaa Kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayey habsami u socodka howlaha shaqo ee ka socda Dekadda ku tagay Dekadda magaalada Kismaayo.

Wasiirka oo ugu horayn kulan xog waraysi ah la qatay mareeyaha Dekadda Axmad Xaaji Aadan ayaa mid mid u kormeeray xafiisyada ay ku shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee maamulka Dekedda iyo waaxda Amniga waxaana uu ka dhagaystay warbixino iyo qaab ay u shaqeeyaan. Wasiirka ayaa sidoo klae kormeeray qaybaha kala duwan ay ka kooban tahay Dekada magaalada kismaayo.
Sadiiq Ahmed Mohamed ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here