Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo ardayda Soomaaliyeed ee Kampala uga warbixiyay Xaalada dalka

0
384

Kampala(Idaacadda Waano)Munaasabadaan ay soo qaban qaabiyeen rugta qorayaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa marti waxaa ku ahaa wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadiiq Xirsi Warfaa sidoo kalena waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka, Guddoomiyaha degmada Marko, Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur),aqoonyahanada Soomaaliyeed, guddoomiyaasha Jaamacadaha iyo marti sharaf kale.

Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Khudbad qiimo badan ka jeediyay Munaasabadda ayaa ardayda uga sheekeeyay xaalada dalka si guud,fursadaha Aqoonyahanka u bananaan xilligaan iyo Hormarka aay Dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

Wasiirka oo la hadlayay ardayda wax ka barata dalka Uganda ayaa sheegay in dayn cafinta ay meel wanaagsan mareyso, isagoo carrabka ku adkeeyay in waqti badan Xukuumaddu ay gelisay arrinta dayn cafinta si dalku u gaaro horumaro dhanka Maaliyadda ah.

Dhankooda Rugta qorayaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda uga mahadceliyay garabsiinta ardayda Soomaaliyeed iyo sida ay uga shaqeeyaan in ardaydu ay kulamo la qaadato madaxda dalka Uganda u timaada howlaha shaqo, iyagoo Wasiir Warfaa iyo masuuliyiinta kale ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmahan magaalada Kampala u jooga shir uu ugu qayb galayay oo looga hadlayay arrimaha shaqaalaha iyo xuquuqdooda, isagoona sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee Kampala ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here