Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

0
52

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarada laga sameeyay Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP/NTP), iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo qaab-dhismeedka deeqaha ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay kaalinta ay Midowga Yurub ku leedahay taageerada deeqaha gargaarka iyo mashaariicda horumarinta ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, maamul wanaagga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimada uu leeyahay iskaashiga joogtada ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo hoosta ka xariiqay in qaab-dhismeedka deeqaha ee hadda jira uu yahay mid fure u ah kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, si loo hubiyo in deeqaha iyo taageerada Midowga Yurub si habsami leh loogu isticmaalo mashaariicda wax ku oolka ah ee wax ka beddeli kara nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Labada dhinac waxay isla garteen in la sameeyo habab cusub oo lagu kormeero laguna qiimeeyo saameynta deeqaha, si loo hubiyo in ay gaaraan yoolalka loogu talo galay.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in la sii wado iskaashiga istiraatiijiga ah si loo xaqiijiyo horumar waara oo Soomaaliya gaarta, iyadoo la isku halleynayo taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay hirgelinta mashaariicda waxtarka leh ee deeqaha lagu maalgeliyo, si loo gaaro yoolalka qaran ee horumarinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here