Wasiirka Maaliyadda DFS oo la kulmay Agaasimaha Fulinta Hey’adda lacagta aduunka

0
350

Washinton(Idaacada Waamo)Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washinton ee Carriga Maraykanka ayaa la kulmay Agaasimaha Fulinta Hey’adda lacagta aduunka Kristalina_Georgieva.

Wasiirka oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankaasi  uu la yeeshay Agaasimaha guud ee Hay’adda Lacagta Aduunka Kristalina_Georgieva uu ahaa mid muhiim ah.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- “Waxaan uga mahadceliyay hogaaminteeda wanaagsan iyo dadaalkii ay Hey’adda Lacagta Aduunku ka soo qaadatay dib u habeynta Maaliyaddeena iyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya”

Wasiirka ayaa sheegay in Dhammaan Caalamka iyo IMF aan u xaqiijinayo in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay tilaabo kasta oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo isbedelka Maaliyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here