Wasiirka isgaarsiinta oo shir muhiim ah uga qaybgalay Switzerland

0
37

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dowladda FS Xildhibaan Maxamed Aaden Macalin (Soomaali) iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa ka qeybgalay Madasha (WSIS) World Summit for Information Society 2024 oo lagu qabtay sanadkaan Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.

Madasha waa Shirweynaha ugu weyn ee looga hadlo Arimaha Horumarka ICT-da, Waxaana lagu soo qaadanayaa guulaha lagaaray 20 sano guurada ka soo wareegtay xilligii la bilaabay Shirweynihii Adduunka ee Bulshada Warfaafinta oo lagu kala qabtay 2003-dii Caasimadda Geneva iyo Tunisiya 2005-tii Ujeedkiisa ahaa qaab-dhismeedka iskaashiga dhijitaalka ah ee caalamiga ah iyadoo leh himilo lagu dhisayo aqoonta Bulshada, waxaana sidoo kale la eegidoonaa sida Teknoolojiyada dhijitaalka ah ay u taageeri karto horumarka mustaqbalka.

Wasiirrka oo ka qeybgalay dood wadaag loo qabtay Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ka qeybgalay Madasha WSIS 2024 ayaa la wadaagay heerka Horumarka Teknolojiyada dalkeena.

“Soomaaliya waxa ay u diyaarsantahay in ay ka faa’iideysato Isticmaalka Teknoolojiyada Dhijitaalka si loo helo horumar waara sida ku cad Siyaasadaha iyo Shuruucda ICT- ga Qaranka” ayuu yiri wasiir Maxamed.

Madasha WSIS 2024 waxaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa Hiigsiga 2025 iyo sida loo qaabeenaayo Arimaha Dhijitaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here