Wasiirka difaaca Taliyaaniga oo gaaray Muqdisho

0
228

Muqdisho(Idaacadda Waamo)-Wasiirka gaashaandhigga ee Dowladda Talyaaniga, Guerrini Lorenzo, ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho, waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan oo uu hor kacayo wasiirka difaaca dalka Xasan Xuseen Xaaji.

Wasiiru dowladaha gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa ku sugnaa garoonka. Sidoo kale, danjiraha Taliyaaniga ee Soomaaliya ayaa soo dhaweynta ka qeybgalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here