Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir muhiim ah

0
28

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa magaalada Tunis uga qayb galay shir heer caalami ah oo diiradda lagu saaray “One Health” – habka iskaashiga ah ee lagu wajaho caafimaadka aadanaha, xoolaha, deegaanka iyo deegaanka dabiiciga ah.

Wasiir Cali Xaaji ayaana si faahfaahsan uga hadlay dadaallada dowladda Soomaaliya ay wado ee lagu xaqiijinayo hirgelinta istaraatiijiyadda “One Health” ee dalka. Isagoo xusay sida ay muhiim u tahay in la helo iskaashi buuxa oo u dhexeeya Wasaaradaha caafimaadka, deegaanka, xanaanada xoolaha iyo hay’adaha caalamiga ah, si wax looga qabto khataraha caafimaadka bulshada ka imaan kara cudurrada ka dhasha xoolaha ama deegaanka.

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la dhiso hannaan mideysan oo wax looga qabanayo khataraha caafimaad ee ka dhasha cudurrada xoolaha, deegaanka iyo isbeddelka cimilada, iyadoo laga duulayo aragtida One Health.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here