Wasiirka-baadroolka DFS oo booqday Xarumaha Shirkadaha Shidaalka Dalka Suudaan.

0
346

Khartuum(Idaacadda Waamo)Wasiirka ayaa booqday shirkadaha iyo xarumaha kala duwan ee ka shaqeeya shidaal-ka iyo Mac-danta dalka Suudaan laga leeyahay waxaana wasiirka booqashada ku weheliyey safiirka JF Soomaaliya Maxamed Sheikh Isxaaq iyo madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya yusuf jeego.

Wasiirka ayaa waxaa Goobaha uu tegayayey ku soo dhoweyey Howl-wadeenada shirkadaha shidaal-ka iyagoo wasiirka ugu warbixinayey sida ay u shaqeeyaan qalab-ka kala duwan ee ay isticmaalaan.

Wasiirka ayaa intuu booqashada ku jiray waxa uu warbixin ka siiyey shirkadaha uu booqanaa-yey sida Somalia diyaar ugu tahay inay ka faaidaysato khayraad-keeda Gaar ahaan dhan-ka baad-roolka iyo Mac-danta.

Waxaana uu wasiirku sheegay in-maanta dalka Somalia uu soo dhawaynayo cid-kasta oo maal-Gashanaysa isla markaana dowlada Soomaaliya iyo Shacab-keeduba ay diyaar u yihiin in ka faaidaystaan khayraad-kooda.

Sidoo Kalena Wasiirka ayaaa xusay in-dalka Soomaaliya yahay mid leh Khayraad aad u fara-badan ayna hada dowlada uu Hogaamiye madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ay ka go’antahay in la helo soomaliya isku fillan gaar-ahaan dhaqaaleheeda iyadoo laga duulayo in laga faaidaysto nimcooyin-ka iyo Khayraad- ku duugan oo alle ku manaystay dalka Somalia.

Wasiirka baadroolka-Dowlada fedraalka Soomaaliya Abdirishiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Hataaan-la joogo xiligii Suudaan iyo Soomaaliya ay iska kaashan-lahaayen wax-soosarka khyraadka dabiiciga ah, isla markaana loo abuuri lahaa jawi wada shaqayneed oo labada dal-wadyeshaan gaar ahaan wax soo-sarka shidaalka iyo Macdanta.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne farmaajo uu meel mariyey sharciga badroolka, waxana Haatan dowladu dadaal ugu jirtaa sidii suuq-caalami ah loogu heli lahaa shidaalka Soomaaliya si dalkeenu uga baxo baahida dhaqaale xumo iyo ku Tirsanaan-ta gacmaha Caalam-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here