Wasiirka Awqaafta XFS oo kormeeray hannaanka loo daabulayo xujeyda Soomaaliyeed ee ku socda Mina

0
22

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka owqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa shalay  kormeeray adeegyada gawaarida ee loo diyaariyey in Maalmaha Xajka lagu daabulo xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Sacuudi Carabiya.

Basas gaaraya 230 ayaa loogu talagalay in lagu qaado 11,500 oo xaaji iyadoo 50 kii xaajiba uu qaadi doono hal Bus,sida uu ku waramay Madaxa Xafiiska arrimaha Xajka Dr Khadar.

Dhinaca kale,iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta 8-aad ee Bisha Dulxij oo loo yaqaano (Yowmu Tarwiya) maalinta aroorka ayaa Malaayiin xujey ah oo adduunka iskaga kala yimid ay degayaan deegaanka Mina.

Xujeyda Soomaaliyeed ayaa qeybtii ugu horeysay ay xalay gelinkii dambe ilaa waaberigii saaka ay degeen goobihii loo diyaariyey.

Tirada xjeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa ah 11,500 xaaji iyadoo marka lagu daro xubnaha bicisada ay noqonayaan 11,715 oo intooda badan ay yihiin culimada iyo masuuliyiinta dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here