Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo maanta kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA

0
31
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Md. Ali Yusuf Ali – Xoosh oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Md. Cabdixakiim X. Ashkir iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa kormeer kutagay maanta xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Mahamuud Moallim Abdulle oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenkiisa Dr. Axmed Cabdi Aadan, la-taliyayaal iyo madax kale oo hay’adda ka tirsan ayaa si weyn u soo dhaweeyay Wasiirka, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Koofur Galbeed, Cabdullaahi Isxaaq Ganey.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here