Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wafdi ka kooban Wasiiro, injineero oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa gaaray magaalada Buulabarde ee Gobalka Hiiraan.
Ujeedka wafdigaan ay u gaareen magaalada Buulabarde ee Gobalka Hiiraan ayaa ah sidii ay halkaasi uga hirgalin lahaayeen buundo labaad oo ay yeelaneyso magaalada taas oo laga garab dhisi doono buundadii hore ay laheyd degmada Buulabarde.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.