Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay safiirka Yeman

0
29

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Arbaco ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Yemen u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fadal Ali Ahmed Alhanik, oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta siyaabaaha iskaashi oo dhinacyo kala duwan leh.

Kulanka, ayaa sidoo kale lagu qaadaa-dhigay dhowr arrimood oo khuseeya labada dal, iyadoo la isku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada gobolka iyo kuwa caalamiga ee muhiimadda gaarka ah leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here