Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay safiirka Ruushka

0
35

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka arrrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo tallaado ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka “ma degane” Ruushka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Mikhail Golovanov, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo khuseeya amniga, bulshada iyo bani’aadantinimada.

Kulanka ayaa intii lagu guda-jiray, waxa uu Wasiir Fiqi guddoomay casuumaadda rasmiga ah ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo lagu wado inay ku qabsoonto magaalada Sochi 11-12 November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here