Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qayb galay munaasabad ay Dowladda Soomaaliya ku martiqaadday maalgashadeyaal ajnabi ah

0
204

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa  magaalada Muqdisho waxa uu kaga qayb galay munaasabad ay Dowladda Soomaaliya ku martiqaadday maalgashadeyaal shisheeye.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayna ka soo qayb galeen madax ka socdey hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah Danjireyaasha iyo maalgashadeyaasha shisheeye ee ku sugan Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay sidii Soomaaliya loogu soo jiidi lahaa maalgashiyo caalammi ah, looga na faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here