Wasiir Maareeye oo bahda warbaahina u diray hambalyo ku aadan xuska 21-ka Janaayo.

0
350

Muqdisho(Idaacada Waamo)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu hambalyeeyay warbaahinta Soomaaliyeed xuska 21-ka Janaayo oo ku beegan maalintii ugu horeysay oo wargeys ku qoran afka Soomaaliga (Xidigta Octoober )uu dalka ka soo baxay.
Wasiir Maareeye ayaa warbaahinta Soomaaliyeed ku ammaanay doorka muhiimka ay ka qaateen kobcinta Afka Soomaaliya, Wuxuuna carabka ku adkeeyay in Warbaahintu Bulshada u tahay macalin.

Bishii Jannaayo 21keedii 1973dii, ayey ahayd markii ugu horreysay ee uu dalka ka soo baxo wargeys ku hadlaya afka Soomaaliga, iyadoo maaalintaas loo asteeyay iney noqoto maalinta warfaafinta Soomaaliyeed.

sanadkii 1972dii ayaa lagu dhawaaqay go’aanka ah in farta Laatiinka loo isticmaalo qoraalka farta Soomaaliga, iyadoo wax yar oo isbeddel ah lagu sameeyey nidaamka erayada loo kala qeybinayo,waxana xigay sanadkii 1973-dii dhaqangalinta qorista farta Soomaalga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here