Wasiir Maaliyada oo la kulmay Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika

0
289

Abidjan -(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Ivory Coast ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Kulan ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen dib-u-habeynta hormarka dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta.

“Waxaan ku faraxsanay in Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina aan ka wada hadalnay dib-u-habeynta l iyo hormarka dhaqaalaha Soomaaliya,kadib deynta cafinta,waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed ee nagu garab istaagay xaqiijinta guulaha aan gagaarnay is badalka Maaliyadda ayuu yiri”Wasiir Beyle.

Waxaa uu sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu u mahad celiyey Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaraadaha kale ee dalka oo dhamaantood si loo gaaro guushan deynta cafinta u huray wax kasta oo ay awoodeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here