Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Jubbaland oo u kuuro galay xaaladda shuban biyoodka ka dilaacay degmada Afmadoow

0
136
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamac oo uu weheliyo guddoomiyaha golaha deeganka degmada Afmadow ayaa kormeer ku tagay xarunta xannaanada iyo xakamaynta dadka uu soo ritay xanuunka shuban biyoodka, kuwaasi oo halkaasi lagula tacaalayo.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamac ayaa sidoo kale u kuur galay xaalada bukaanada uu soo ritay shuban biyoodka isagoona indha indhayn ku sameeyay dhammaan bukaanada la ildaran xanuunka shuban biyoodka.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here