Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka maareynta iyo musiibooyinka Jubbland Faarax Mukhtaar Daa`uud ayaa xafiiskiisa u qaabilay Madax ka socotay Hay`adda Cunada aduunka ee WFP u qaabilsan magaalada Kismaayo.
Ujeedka kulanka Wasiir ku xigeenka wasaarada Gargaarka Jubbaland iyo Madaxa Hay`adda WFP ee Magalada Kismaayo ayaa ahaa is xog wareysi iyo is barasho Madaxa cusub ee Hay`adda WFP ee Magaalada Kismaayo.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.