Wasiir Beyle oo shir Gudoomiyay Shirka Wasiirada Dowlada dhexe iyo Dowlad Goboleedyada

0
314

Muqdisho(Idaacadda Waamo)-Sii Hayaha wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta guddoomiyaya shirka wasiirada maaliyadda ee dowlada goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe kaasi oo ku qabsoomay habka muqaalka fogaan arraga. Waxaana ay uga wadahadleen sidii xoogga lagu saari lahaa hormarinta dhaqaalaha dalka.

“Waxa markale inoo qabsoomay shirkii maaliyadda dalka ee u dhexeeyay wasiirada maaliyadda dowlad-goboleedyada iyo dowladda federal ka Soomaaliya.kaasi  aan had iyo jeer diiradda ku saarnaa horumarinta dhaqaalaha dalka iyo wada shaqeynta. Ayuu yiri wasiir Bayle.

Sii hayaha wasiirka maaliyadda dalka Dr. cabdiraxmaan Ducaale bayle ayaa sheegay inay ka go’antahay  in si wadajir looga wadashaqeeyo kobsinta dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here